Xaaf oo ku dhawaaqay inuu buray heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug, Doorashana shaaciyay

638

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu buray heshiiskii Jaabuuti lagu gaaray ee u dhaxeeyay maamulka Ahlu Sunna iyo Galmudug ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho 06/12/2017.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono waqtii loo asteeyay iyadoo ka dhici doonto caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadaado.

Waxaa kale uu sheegay in
ay dhamaatay kala aragti duwanaan shihii Dowladda Federaalka iyo Galmudug u dhaxeeyay.

Dhankeeda, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ku cadeysay in doorashada Baarlamaanka iyo madaxda fulinta Galmudug dhici doonto 4da bisha July ee sanadkaa lagu qaban doono caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. Qoraalka wasaaradda lagu ma sheegin faahfaahin ku saabsan arrimaha Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Xaaf hadalka uu soo saaray.

Hoos ka akhriso warqada ka soo baxday Madaxweynaha Galmudug: