Dhuusamareeb (UM) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxa kusoo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoorqoor” Xildhibaanno iyo Senataro ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Godinlabe oo 60 kilamitir u jirta magaalada Dhuusamareeb halkasi oo Madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ay uga hortageen si ay u soo dhaweeyaan.
Madaxweyne Xaaf oo markii uu Dhuusamareeb soo gaaray warbixinta hadal siiyay ayaa sheegay in ay Galmudug mid tahay, uuna doonayo in ay dhibaatada ka raysato. Madaxweyne Xaaf ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Qoorqoor soo dhaweynta uu fidiyay.
Waxa uu sheegay inuu doonayo in Galmudug uu geed fadhi u noqodo oo joogo. ” Geed fadhi kaliya ama ahane, annigu waxaan rabaa innaan iska fadhiyo Galmudug Xamar dambe uma socdo” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoorqoor” oo aan wali la Caleemasaarin ayaa tan iyo markii la doortay wadday isu soo dhawaynta iyo la heshiinta siyaasiyiint iyo dadka kale ee doorashadii madaxtinimada Galmudug kula tagay.