Waqooyiga Kuuriya ayaa xalay tijaabisay saddex gantaal oo Balaastik ridada dhexe ah, sida uu xaqiijiyay Milateriga Mareykanka.
Gantaaladan ayaa laga riday Gobolka Gangwon, waxaana uu socday illaa 250KM, balse inta aanu gaarin bartilmaameedkiisa ayuu qarxay sida ay wararku sheegayaan.
Waqooyiga Kuuriya ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabtay inay gantaal ku rideyso Jaziirada Guam ee ku taala badda Pacific taasi oo uu maraykanka uu maamulo tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana dadka Ku nool loo aqoonsan yahay muwaadiniin American ah.
Gantaalada ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya ayaa la sheegay in aanu qatar ku aheyn Mareykanka iyo Jaziirada Guam, inkastoo khubarada arrimaha Nuclear-ku ay sheegayaan in gantaalada loo yaqaano ICBM ( intercontinental Ballistic missile) ay gaari karaan gobalka Alaska ee dalka Maraykanka kuwaasi oo qaarkood ay horay u tijaabisay xukuumadda Pyongyang.
Gantaalada ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhoolatuska milateri ee si wada jir u fulinayaan Milateriga Koofur Kuuriya iyo Mareykanka.