
Madadaxa Hey’adda Caafimaadka Adduunka Dr.Tedros Adhanom ayaa sheegay in qaaradda Yurub ay noqotay xarunta cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.
In ka badan 5 kun oo qof ayaa u dhimatay dunida oo idil markii laga helay xanuunka COVID 19 oo ah cudurka uu sababo Corona Virus.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayuu Dr. Tedros ayaa ku tilmaamay khasaaraha dhimashada ee cudurka Corona Marxalad naxdin leh.
Ilaa iyo hadda 3 kun oo qof ayaa ku dhimatya dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurku ka dilaacay dabayaaqadii sanandkii la soo dhaafay.
Dalka Talyaaniga oo gabi ahanatiisba loo xiray cudurka Corona ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 12 kun iyo laba boqol oo qof. Talyaaniga ayaa ah dalka ugu daran ee qaaradda Yurub ee sida weyn uu xanuunka Corona Virus u saameeyay, waxaana gobolka ugu daran ee Lombardy ay dhimashadu kor uga sii kacday halkii ay awal mareysay. Dadka ku dhintay Gobolka Lombardy ayaa ah 890 halka ay horay uga aheyd 740, waana maalin gudaheed kororka intaa la eg.
Waxa kale oo jira kiisas cusub oo gaaraya 137,300 oo laga xaqiijiay 123 dal iyo gayi oo dunada dacaladeeda ah. Shiinaha ayay mareysaa tirade dadka cusub 80 kun halka Talyaaniga ay tahay 15 kun oo kiisas cusub ah.
Heyadda caafimaadka adduunka oo horraantii todobaadkaan ku dhawaaqday in cudurku yahay safmareen ayaa sheegtay in uu jiro gaabis dhaqaale oo ku aaddan tallaalka cusub ee cudurka Corona.
Madaxa Hey’adda caafimaadka adduunka Dr. Tedros ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay ay billaabayaan qorshe wadajir ah oo ogolaanaya Hey’adaha iyo shakhsiyaad in ay lacag ugu deeqaan dagaalka ka dhanka ah cudurka Corona.
Waxa uu sheegay Dr. Tedros in lacagta loo adeegsan doono in lagu iibiyo masagarooyin wajiga lagu xirto, galoofyo gacmaha la gashto iyo dhar ay xirtaan shaqaalaha caafimaadka oo ay wehliyaan qalabka lagu baaro cudurka Corona.
Dr. Mike Ryan oo ka tirsan Hey’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in loo baahanyahay in la qaado tillaabooyin dad ay kula fogaadaan sida dadka oo guryahooda shaqada ku qabta, in la hakiyo isku imaatinka waaweyn iyo in la xiro dugsiyada waxbarasho. Tallaabooyinkaas ayuu sheegay in ay yareyn karaan faafitaanka cudurka maadaama nidaamyada caafimaad ay markaa u sahlanaan doonto la tacaalidda cudurka.
Dalka labaad ee qaaradda Yurub ugu daran marka Talyaaniga laga tago ayaa noqonaya Spain waxayna taasi keentay in Raiisul wasaae Spain Pedro Sanchez uu ku dhawaaqo in dalka lagu soo rogayo xaalad degdeg ah ilaa iyo 15 bari si loola dagaalamo faafitaanka cudurka Corona.
Spain ayaa dadka cudurka qaba waxay marayaan 4209, dhimashaduna waa 120.
Dugsiyada waxbarasho, shineemooyinka , tiyaaraada iyo garoomada ciyaaraha ayaa gabi ahanba la xiray.
Spain ayaa ku biireysa dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Talyaaniga, Slovakia, Hungary, Czech Republic, iyo meelo kale oo dhammaantood ku dhawaaqay xaalad degedg si loo yareeyo khatarta cudurka Corona oo hadda dunida oo idil kusii faafay.