
Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si ku meel gaar ah u hakisay tijaabadii in daawada Malaariyada lagu daweyn karo cudurka Corana Fayras. Sidaas waxaa shir jaraa’id ka sheegay Agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka adduunka Tedros Adhanom.
Dhinaca kale Agaasimaha xaaladaha degdega ah ee WHO Mike Ryan ayaa ka digay in wali lagu dhex jiro hirkii koowaad ee cudurku ku dilaacay, lagana yaabo in ay jiri karto mowjad kale oo cirka isku sii shareerta. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo dalal badan ay isku dayayaan in ay dabciyaan xayiraadda ka dhalatay cudurka Corona Fayras.
Warka ka soo baxay WHO ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Madaxweyne Trump uu sheegay in daawada Malaariyada ee loo yaqaan Hydroxchloronaquine loo isticmaali karo ka hortagga cudurka Covid 19.
Hey’adda ayaa horay uga digtay in daawadaan loo adeegsado ka hortagga iyo daweynta cudurka. Go’aanka lagu hakiyay tijaabada in cudurka lagu daweyn karo iyo in kale ayaa loo hakiyay taxadir dartiis sida ay sheegeen mas’uuliyiinta WHO.
Dhinaca kale WHO ayaa sheegtay in aysan wali gaarin in Hey’adda khubaro u dirto Shiinaha si loo soo baaro halka cudurku ka yimid, laakiin wali wadahadal u socdo Hey’adda iyo dowladda Shiinaha.