Laamaha Ammaanka dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay 25 qof in ay ku dhinteen weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Kapul iyo sidoo kale qeybo ka mid ah dalkaasi.
Ciidamada Booliska ee Caasimada Kabul ayaa xaqiijiyay qof bambaano isku soo xiray in uu is qarxiyay halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa aaga ay dublamaasiyiinta degan yihiin.
Weerar kale ayaa ka dhacay gobolka Helmand halkaasi oo ay ku dhinteen laba askari ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu jiiray bar-koontarool.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in weerar kale uu ka dhacay isla gobolka Helmand halkaasi oo dhowr askari ay ku dhinteen.
Saraakiisha ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 askari la dilay ka dib markii ay kooxda soo weerartay goob ay ku sugnaayeen ciidamada gobolka ku yaalla galbeedka ee Farah.