Ugu yaraan 50 qof ayaa geeriyootay in ka badan 400 oo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii nin hubaysan uu rasaas aan loo meel dayin oodda kaga qaaday dad ku sugnaa goob caan ah oo Qammaarka lagu dheelo oo ku taala magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.
Rasaas wadareedkan ayaa ka dhacday bannaanka dhismaha Mandalay Bay Resort iyo xarun Qammaar oo ay ku sugnaayeen in ka badan 22,000, waxaana xarunta ku sugnaa dad qamaar ka qayb galayay oo ka kala yimid in ka badan 91 dal.
Booliiska ayaa ninka rasaasta ka dambeeyay waxaa ay ku magacaabeen Stephen Paddock, kaasi oo 64 sano jir ah.
Booliiska ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in qofka ka dambeeyay falkan maydkiisa laga helay dhismaha Hotelka.
PRESS RELEASE: LVMPD Identifies Suspect in Sunday Night Shooting on the Strip https://t.co/dR6m0812Vu #LVMPDnews
— LVMPD (@LVMPD) October 2, 2017
Goor sii horaysay Booliiska ayaa soo bandhigay la tuhunsanaha weerarkan ayagoo shacabka ugu baaqay hadii ay arkaan inay Booliiska soo wacaan.
Marilou Danley is being sought for questioning re the investigation into the active shooter incident. If seen please call 9-1-1! pic.twitter.com/Z83XvcHejH
— LVMPD (@LVMPD) October 2, 2017
Wade Millward, oo ah wariye ka tirsan the Las Vegas Review-Journal, ayaa television-ka aljazeera u sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay uu halkaasi ka heesayay fanaan caan ah oo lagu magacaabo Jason Aldean.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo meel mogdi ah ku sugan ayadoo xabadana la maqlayay.
https://twitter.com/IamChinoDollaz/status/914759836499288064
Joseph Lombardo, oo ah sarkaal Booliiska ka tirsan ayaa sheegay in 50 qof ay dhinteen 400 oo kalena ay dhaawacmeen.
Waxaa uu sheegay in dad dhaawac ah ay ku jiraan labo askari oo mid ka mid ah dhaawiciisa uu halis yahay.
Toogashadan ayaa ah tii ugu khaaraha badnayd ee dalka Maraykanka ka dhacda Taariikhdan Casriga ah.
Booliiska waxaa ay sheegeen in nin hubaysan oo reer las Vegas ah ay hotelka ku dhex toogteen ka dib markii Booliiska ay rasaas is dhaafsadeen.
FBI-da ayaa shacabka ka codsatay in lala wadaago Muuqaalka iyo sawirka qofka weerarka ka dambeeyay.
https://twitter.com/FBILasVegas/status/914836264880410626
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay tacsiyana u diray ehelada dadka ku wax yeeloobay weerarka Las Vegas.
My warmest condolences and sympathies to the victims and families of the terrible Las Vegas shooting. God bless you!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) October 2, 2017
Sanadkan aynu ku jirno ee 2017 waxaa dalka Maraykanka laga diiwaan galiyay in ka badan 270 weerar oo hub loo adeegsaday ayadoo in ka badan 11,621 ay sababo la xiriira weeraradaasi ay u geeriyoodeen, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu qasaaraha badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo 1949 kii
Las Vegas maxay tahay?
Magaalada Las Vegas waa magaalo caan ah oo ku taala Gobalka Nevada ee dalka Maraykanka, waana magaalada maanta musiibadan ay ka dhacday.
Las Vegas, waa magaalo caan ku ah dalxiiska, ayadoo sanadkii oo Kili ah ay dalxiis u tagaan in ka badan 40 million oo qof taasi oo ka dhigan in maalin waliba ay dalxiis u tagaan 109,000 oo qof.
Weerarka yaa ka dambeeyay
Warbaahinta ayaa sheegaysa in kooxda Daacish ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka Las Vegas, ayagoo sheegay in qofka weerarka gaystay uu ahaa Askarigooda.
Booliiska iyo FBI-da ayaa sheegay inaanu ilaa iyo hadda haynin caddaymo muujinaya in weerarka qofka ka dambeeyay uu xiriir la leeyahay argagaxiso dibadda ah