Illaa 18 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Maqaayad Turkish ah oo ku taal Caasimada Burkina Faso, iyadoo weerarkan uu yahay kii labaad oo lagu qaado maqaayadaha caanka ah ee ay ajnabiga leeyihiin.
Koox Islaamiyiin ah ayaa looga shakisan yahay inay weerarkan fuliyeen, waxaana booliska ay sheegeen in illaa saddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkii maqaayada fadhiyay.
Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa la rumeysan yahay inay dalal kala duwan u dhasheen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu intaa ka bato.
Wasiirka Isgaarsiinta dalkaasi oo magaalada Ouagadougou kulaha hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka kooxihii soo qaaday la dilay.
Dhimashada ayaa lagu soo waramayaa in haatan ay gaartay ilaa iyo labaatan qof.
Madaxwaynaha Faransiiska ayaa weerakaasi Ku tilmaamay mid argagaxiso isagoo sidoo kalena cambaareeyay.
Burkina Faso ayaa ka mid ah wadamada ku yaala Galbeedka Afrika, waxaa uu xuduud la wadaagaa dalka Mali, oo muddo dheer la dagaalamayay Kooxo Mintidiin Islaamiyiin ah.