Weerar lagu dilay 18 qof oo ka dhacay Burkina Faso

842

Ugu yaraan 16 ruux ayaa geeriyootay in ka badan 80 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii mintidiin hubaysan ay weerar Ku qaadeen magaalada Ouagadougou, ee caasimada dalka Burkina Faso.

Weerarka ayaa waxaa si gaar ah loogu qaaday Safaarada dalka Faransiiska uu Ku leeyahay magaalada  Ouagadougou iyo xarun ciidamada ammaanka ay leeyihiin magaalada.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in dadka dhintay 8 ka mid ah ay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerar lagu qaaday dhismaha safaaradda Faransiiska ee magaalada Ouagadougou, hase ahaatee ma uusan shaacin qasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarkaasi.

Ciidamada Kumaandoosta dalka Faransiiska ayaa Ku sugan dalka Burkina Faso, kuwaasi oo dagaal kula jira kooxaha hubaysan ee ka dagaalama gobalka Saxil ee galbeedka Qaaradda Afrika.

Safiirka dalka Faransiiska u qaabilsan gobalka Saaxil Jean-Marc Chataigner, ayaa bartiisa Twitter ka waxaa uu weerarkaasi Ku qeexay inuu ahaa mid Argagaxisanimo.

Sanadkii hore weerar lagu qaaday Maqaayad ay leeyihiin dad u dhashay dalka Turkiga ayaa waxaa lagu dilay 19 qof.

2016-kii kooxo hubaysan ayaa weerar Ku qaaday maqaayad iyo Hotel caan ah halkaasi oo ay Ku dhinteen in ka badan 30 qof oo ay Ku jireen kooxihii weerarka soo qaaday.