Faahfaahin: Weerar lagu dilay 13 qof oo ka dhacay Barcelona (Sawiro)

888

Ugu yaraan 13 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay geeriyoodeen tiro ka badan soddona ay Ku dhaawacmeen ka dib markii gaari la jiirsiiyay meel loo dalxiis tago oo mashquul badan oo Ku taala Magaalada Barcelona, ee dalka Spain.

Television-ka Aljazeera, oo soo xiganaya qaar ka mid ah warbaahinta gudaha dalka Spain, oo ay ka mid yihiin Cadena SER iyo TV3 ayaa Ku waramaya in gaari Bas yar ah la jiirsiiyay meel dalxiisayaal ay Ku badan yihiin.

Geerida 13 ka qof iyo tirada dadka dhaawacmay oo 30 ka badan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxda booliiska Magaalada Barcelona.

Goobta ay mashaqada ka dhacday ayaa ah goob caan ah oo dukaamo badan ay Ku yaalaan, waxaana lagu magacaabaa Las Ramblas, kana tirsan Magaalada caanka ah ee Barcelona.

Booliiska ayaa dhacdadaan Ku tilmaamay mid argagixiso ah.

Wargayska El Pais  oo ka soo baxa dalka Spain, ayaa sheegaya in daraawalkii waday gaariga uu baxsaday isagoo aan adeegsanaynin wax gaadiid ah.

Booliiska ayaa sheegay inay baadi goobayaan labo qof oo looga shakisan yahay inay weerarka ka dambeeyeen.

Waxaa soo baxaya warar hor-dhac oo sheegaya in mid ka mid ah la tuhunsanayaasha la aqoonsaday sawirkiisana lasoo bandhigay.

Weerarka ka dib hogaamiyaasha dunida qaarkood ayaa bilaabay inay cambaareeyaan kuna tilmaamay mid argagaxiso ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Rex Tellerson, iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa ka mid ahaa kuwa cambaareeyay sidoo kalena ka tacsiyeeyay dhacdada Magaalada Barcelona.

Magaalada Barcelona, ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu dalxiiska badan qaaradda Yurub, ayadoo sanadkii oo Kali ah ay booqdaan 11 Milyeen oo ruux.

Tan iyo 2016 weeraro loo adeegsaday Baabuur ee ka dhacay magaalooyinka Nice, (France) Berlin, (Germany) London (UK)  iyo waliba Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Hoos ka daawo sawirada goobta weerarka ka dhacay