Weerar kale oo ismiidaamin ah oo ka dhacay Indonesia

741

Warbaahinta dalka Indonesia ayaa xaqiijisay in Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya.

Qaraxyadaasi Ismiidaamin ah ayaa lagu dhaawacay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska dalkaasi.

Qaraxa ayaa  dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

adaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.

” Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Joko Widod

Qaraxyaddaan ayaa kusoo beegmaya maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.

Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.