Waxaa la Joogaa xilligii la turxaan bixin Lahaa Waxqabadka Hawlgalka Amisom -UM

617
Family photo of AMISOM Summit leaders and donors/Google

Muqdisho (UM) – Amisom waxay gaartay sanadguuradeedii tobonaad tan iyo inta ay Soomaaliya timid,walina Al-shabab inkasta oo la wiiqay lagama adkaan. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya(Amisom) ujadediisa waxay aheyd in ay ka caawiyaan ciiidanka qaranka Soomaaliyeed soo afjarida khatarta amni ee Al- Shabaab. Toban sano oo dadaal ah kadib, Al-Shabaab wali lagama adkaan iyaga oo waliba aad u kordhiyay weerarada yarryar e ka dhanka ah dowladda iyo Amisom.

Ammaanka ayaa ahaa mudnaanta dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, madaxweyne Farmaajana waxa uu sheegay khudbado kala duwan oo u jeediyay in isbadalo kale aan la sameeyn karin iyada oo aan Soomaaliya ammaanka lagu soo celin.

Khudbadii uu ka jeediyay madaxweyne Farmaajo shirkii waddamada ciidanka ka joogaan Soomaaliya ayuu ku booriyay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ah taageeraha kaliya ee bixiya kharajka Amisom ee Soomaaliya laga caawiyo in ay hoggaamiso dadaalada dhanka amniga ah.Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbada sii wata ayaa ku geesinimo galiyay ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo Amisom in ay dagaal la galaan Al- Shabaab oo ka xoreeyaan deegaanada ay gacanta ku hayaan. Hase yeshee waxaad moodaa in doodu aysan aheyn in deegaan la xoreeyo, ee taa badalkeeda ay ku saabsaneyd qorshaha bixitaanka Amisom iyo maalin galinteeda oo ay maalingalineyso beesha caalamka oo quus ka taagan horumarka gaabiska ah.

Doodda madaxweyne Farmaajo ee ah in uusan ku degdegin fulinta qorshaha bixitaanka Amisom waa mid sax ah, iyada oo wali ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo tabar yar oo aan nidaamsaneeyn. Sidoo kale suuro gal ma ahan in madaxweyne Farmaajo oo wajahaya xaalado hubbani la’aan iyo dhaqaali fadhi gudaha uu u ololeeyo in  deeqa bixiyaashu oo laga sugayo in ay meel kale wax ku dhiibaan sida Yaman ,Afrikada dhexe iyo Syria ay  Amisom siiyaan taageero aan dhammaan.

Qiimeyn lagu sameeyay ciidanka xoogga iyo booliiska waxaa lagu ogaaday in uu jiro gaabis dhinaca tababarka,xirfadda iyo maalgalinta ciidanka. Hadal-se u muuqday mid taabanaya arrintaan oo madaxweynuhu toddobaadkii hore ka jeediyay ayuu ku ballan qaaday in arrintaan wax laga qaban doono.Hase yeeshee waxa uu madaxweynuhu ka gaabiyay in uu beesha caalamka ka codsado in baaritaan guud lagu sameeyo waxqabadka Amisom, maadaama iyagu ay kharajka bixiyaan. Haddii ciidanka qaranka Soomaaliyeed lala xisaabtami karo oo la baari karo, maxaa diidaya kuwa Amisom in sidaa la yeelo?.

Waqti dheer dowladda Soomaaliya waxay muujisay ixtiraam iyo dulqaad ku aadan waxqabadka Amisom Marka-se ay soo ifbaxdo dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka Amisom, waddamada ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya ayaa sameeya dadaalo dibloomaasiyadeed iyo ballanqaadyo ah in wax weyn laga badali doono sida hadda wax yihiin. Dowladda Soomaaliyana cabsi iyo habacsanaan dartood waxay uga noqotaa go’aankii hore ee dib u eegista iyo la xisaabtanka Amisom. Tani ma aha mid loo sii dulqaadan karo.Waa ceeb in ciidan gaaraya 20-kun oo aad u hubeysan oo lagu daray ciidanka Soomaaliya aysan ka adkaan karin koox khubaradu ay ku sheegaan wax ka yar 5,000. Tirada ciidanka intaa la eg iyo shaqada gaabiska ah waa mid aan caqliga gali karin, xitaa haddii ay Al- Shabaab sameeynayaan dagaalo aan toos aheyn sida ay inta badan ku marmarsiyoodaan taliyaasha Amisom.

Dadka Soomaaliyeed marnaba ma iloobi doonaan askartii Soomaaliyeed iyo Amisom oo naftooda u huray si Soomaaliyo amni ugu naalooto. Amni darrida  sii socota waxay noqoneysaa khiyaano lagu sameeyay raggii iyo dumarkii naftooda u hibeeyay dalka. Maxay u dhinteen.

Hadda in la sameeyo baaris iyo dib u eegis ku saabsan waxqadbadka iyo hawlgalinta Amisom waa qasab, maxaa yeelay waxaa jirta cabsida ah in ay iska tagaan iyaga oo aan shaqadooda dhammeeyn, marka Midowga Yurub uu joojiyo taageeraha dhaqaale oo ay quus ka istaagaan waxqabad la’aantooda mustaqbalka dhaw. Tani waxay noqoneysaa guuldarro iyo  khiyaano ay Midowga Afrika ku sameeyeen xubin ka mid aheyd asaasayaashii Midowga Afrika. Halku dhigga ah dhibaatada Afrikaanka waxay u baahantahay xal Afrikaan waa mid ammaan mudan,laakiin waxaa hadalkaan macaan ka sii muhiimsan in loo dhaqangaliyo heshiisyada ammaanka sida ay isku raaceen ciidanka Midowga Afrika iyo bahwadaagtooda Soomaaliyeed oo ay masuuliyad ka saarantahay tababarkooda iyo h9gaamintooda.

In loo dhiibo shaqada baarista guud iyo dib u eegista Amisom hanti dhawrayaal dibadda ah waxay keeneeysa in dib loo jiheeyo hawlgalada Amisom iyo waliba xoojinta kalsoonida dowladda Soomaaliya, deeq bixiyaasha caalamiga iyo Amisom.

Waxa laga rabo in lagu ogaado baaritaanka u diyaar ahaanshaha hawlgallada Amisom ayaa ah isla waxa horay looga baaray ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Waa ay iska caddahay in Amisom si gaar gaar ah ay u shaqeeyso oo aysan amarka ka qaadan talis dhexe oo Soomaaliya ku yaal, taa badalkeeda ay amarka ka qaataan caasimadahooda. Sidoo kalena askartoodu aysan dagaal u wada diyaarsaneeyn oo ay Soomaaliya u yimaadaan in ay lacag ka helaan sida uu ugu sir warramay askari Amisom oo waardiyeynayay Airporka wariye qarsan oo ka tirsan Ummadda Media.

Qaar ka mid ah ciidanka Amisom ayaa sameeya musuq maasuq oo raashinkooda canshuur la’aanta ah ka gada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyaga oo lacagta ku hela habka EVC. Gafafkaas iska cad waxay dhaawacayaan kalsoonida dowladda Soomaaliya iyo waliba beesha caalamka oo horay uga niyad jabsaneed dowladda iyo Amisom. Sidoo kale waxay khasaarinayaan waqti muhiim ah oo tababar iyo maalgalin ay ku helin lahaayeen ciidanka Soomaaliyeed. Waa in si degdeg ah ay caqabadahaan wax uga qabtaan beesha caalamka.

Qorshaha amniga qaranka ee Soomaaliya waxa u caddeynayaa in ammaanka Soomaaliya ay masuul ka tahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah. Dhankooda waa in ay si adag u codsadaan la socodka waxqabadka Amisom, iyaga oo aana sidoo kale isku dayaya in ay wax ka qabtaan daldaloolada dhankooda ka jira sida tababarka, maalgalinta, iyo hawlgalinta ciidanka amniga Soomaaliyeed. Hoggaanka ciidanka Soomaaliyeed waa in ay ka gudbaan muranka dhexdooda oo u istaagaan fulinta waajibkooda.Waa in ay la dagaalaan Al- Shabaab oo ka adkaadaan.

Wixii intaas aan aheyn waxay ay tusinaysaa in qorshaha amniga qaranka uu hay uun hadal warqad ku qoran oo micno laheyn. Saameyn aad u xun oo amni ,hormar iyo dhaawac gaara qabka Soomalaiyeed oo aan laga soo waaqsan karin ayaa ka dhalan doona haddii uu fashilmo qorshaha amniga qaranka.