Wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato Xasuuqa Qaza

1313
Haweenay Ku dhaawacantay rasaasta ciidamada Israel (Xuquuqda Sawirka Ibraheem Abu Mustafa/Reuters]

Ciidamada Israel, ayaa maanta oo Isniin ah xadka marinka Qaza la leeyahay Israel ku dilay in ka badan 43 qof oo ahaa Falastiiniin aan hubaysnayn oo halkaasi dibad-baxyo ka dhigayay.

Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan in sidoo kale ciidamada Israel ay dhaawaceen dad kor u dhaafaya 1,900 qof.

Mas’uuliyiinta Falastiiniinta ayaa arintan Ku tilmaamay xasuuq aan loo meel dayin oo Israel ay kula kacday shacab masaakiin ah oo dibadbaxyo dhigayay.

Dadka reer Falastiin ayaa dhigayay banaanbaxyo ay muddooyinkan ay soo wadeen kuwaasi oo ay kaga boroor diiqayaan aas-aaskii Israel sanadka markuu ahaa 1948-dii.

Waa tiradii ugu badanaa oo ciidamada Israel ay dilaan tan iyo intii banaanbaxyadu ay bilowdeen.

Tiradii ugu badnayd ee horay looga dilay dibadbaxayaasha reer Qaza ayaa waxaa ay ahayd 17 qof.

Qasaaraha Guud

Tirada guud ciidamada Yahuudda ay dileen tan iyo 30-kii bishii Marso ee Sandakan ayaa kor u dhaaftay 90 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 10,500 oo qof.

Tirada, da’da dadka iyo waxaa ay isugu jireen 

Afartan iyo Saddexda qof ee Maanta Israa’iiliyiinta ay dileen ayaa 6 ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay in 18-sano jiro ay ahaayeen, waxaa ka mid ahaa 1 haween ah, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Qaza.

1,960-ka ruux ee la dhaawacay maanta ayaa 200 oo ka mid ah waxaa da’doodu ay ka hoosaysay 18-ka sano, halka 78 qof ay haween ahaayeen.

Ciidamada Israel ayaa maanta waxaa ay dhaawac u gaysteen in ka badan 11 wariye oo ka soo waramayay banaambaxyada ka socda xadka marinka Qaza uu la leedahay Israel.

Cambaaraynta Dowladaha Carabta ee Xasuuqa Maanta

Dowladaha Masar, Jordan/Urdun Lubnaan iyo kuwo kale oo Dunida Islaamka ka tirsan ayaa cambaareeyay dhaqanka Israel ayagoo sheegay in Xasuuqa Maanta uu yahay mid aan la aqbali Karin.

Turkiga

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayipp Erdogan oo warbaahinta kula hadlayay caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa sheegay in Xasuuqa Qaza ka taagan mas’uuliyaddiisa ay qaadanayso dowladda Maraykanka.

Qaramada Midoobay iyo Xasuuqa Qaza

Warar ay qoreen warbaahinta kala duwan ee Caalamiga ah oo ay ka mid tahay wakaaladda wararka AFP ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Curettes uu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Kulan deg deg ah ka yeelan doono xasuuqa maanta ka dhacay marinka Qaza.