Wax walba aad uga baahan tahay inaad ka ogaato Doorashada Dalka Lubnaan

945
Ra’iisul wasaaraha awoodda wayn ee ka soo jeeda Suniyiinta dalkaasi Lubnaan Sacad Xariiri oo doorashadan raba in uu Ku soo bandhigo isku xirnaanta Dadka Suniyiinta ah (Xuquuqda Sawirka Aljazeera English)

Xarunaha codeynta ee loogu talagalay doorashooyika ayaa ka furmay dalka Lubnaan,taasoo ah markii ugu horeysay tartan loo galayo Baarlamaanka dalkaasi mudd laga joogo sagaal sano.

Tartanka codeynta ee maanta bilaawday ayaa loo arkaa in ay ku loolamayaan 583 musharax oo doomaya 128-da kursi ee baarlamaanka dalkaasi.

Tirada Xildhibaanada Sharxan iyo tirada Kuraasta ay u tartamayaan iyo sidoo kale tirada codkooda dhiiban doonta (Aljazeera English)

Sanadkan waxyaabaha ugu waa wayn oo laga diiwaan galiyay doorashada dalkaasi ayaa ah inay isa soo sharxeen tiradii ugu badnayd oo haween ah.

3.8 milyan oo reer Lubnaan ah ayaa is-diiwaangelisay inay ka qayb galaan doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee dalkaasi.

Waxaa  sanduuqyada cod-bixinta ay   gaarayaan sida la sheegay in ka badan  6,800 kuwaasi oo  la dhigay dhammaan xarumaha doorashooyinka dalka Lubnaan.

Maalinimadii Sabtida, ciidamada Mileteriga Lubnaan ayaa la dhigay guud ahaan Magaallooyinka Waawayn, Deegaan Doorashooyinka dalkaasi si ay ugu diyaargaroobaan codeynta doorashada Baarlamaanka iyo inay u diyaar goroobaan Cabsida laga qabo inay abuurmaan Qalalaaso siyaasadeed.

Doorashooyinkaan ayaa dhacaya markii ugu horeysay 9-sano kadib ayadoo dalkaasi ay ka jireen khalalaaso siyaasadeed oo dhaliyay in dalka  muddo 2-sano ah uu Ku jiray marxalad wadanka uu ahaa    madaxweyne la’aan.

Wadanka waxaa siyaasad ahaan u kala qaybsan yahay 3-dex Qaybood.

Kursiga Madaxwaynaha dalka waxaa iska leh Masiixiyiinta reer Lubnaan, Ra’iisul wasaaraha waxaa iska leh Muslimiinta Suniga ah halka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay leeyihiin Muslimiinta Shiicada ah.

Qaabka bulshada kala duwan ee dalka Lubnaan ay u kala leeyihiin Xafiisyada Sarsare ee dalkaasi Lubnaan (Aljazeera English)