Muqdisho (UM) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed-Kheyr Cabdi ayaa xaafiiska Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxammed Axmed Othman Al Xammadi.
Waxa ay ka wadahadleen arrimo o ay ka mid yihiin heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Shirkadda DP World ee ku saabsan dekadda Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro, sida lagu xusay war qoraal ah oo Wasaaradda ka soo baxay kulan kaddib.
Safiirka dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo badqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horeentii bishaan Maarso u codeeyay xeer dalka mamnuucaya Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka, iyadoo sidoo kalena waxba ka ma jiraan ka dhigay heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Soomaaliland iyo Itoobiya ed dekadda Bebera.