Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo shir la yeeshay Mas’uulyiin ka socda QM (Sawiro)

910

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya sida Michael Keating iyo Xubno kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Q.Midoobay iyo Dowladda FS , bixinta Canshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyk qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay W. Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoona balan qaaday in Q.M ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka W.Maaliyadda Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale ayaa ka dalbaday Madaxda Q.M in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka badnaado sanadii hore.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.