Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shir wadatashi ah u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.
Waxaa shirka ka qeyb-galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).
Wasiirada xukuumadda ka tirsan ee Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday khubarada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka dalka in ay is waafajiyaan xaaladda uu hada wadanka marayo iyo sharcigan.
Sharciga Socdaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sameeyay sanadka markuu ahaa 1966, waxaa sameeyay dowladdii dhaxe ee waqtigaasi dalka ka talinaysay.
Dalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan jawi kale ayadoo nadaamka dalka ka jira haatan uu yahay nadaamka loo yaqaano ‘Federal’.
Shirkan Wada-tashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa muddo seddex bilood gudahood ah dhammaan Maamul goboleedyada dalka, ka dibna waxaa loo gudbin doonnaa Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.