Wasiiro Cusub Iyo Caqabaddo Isku Mid Ah – UM

2394

Muqdisho (UM) – Todobaadkaan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu sameeyay isku shaandheeyn aan sidaasi u sii weyneeyn, taas oo lagu beddelay wasiiradii arrimaha gudaha, dibadda, iyo ganacisga. Isbedelkani wuxuu ku bilowday war uusoo dhigay boggiisa Facebook wasiirkii arrimaha dibadda Yusuf Garaad, waxaa intaa xigay farintii wasiirkii arrimaha gudaha uu soo dhigay bogiisa oo  uu isna ku sheegay ogaal la’aan xil ka qaadistiisa, intaa markii la isku daro, waxaa muuqanaya hab nidaam aad u qalafsan oo ku saleysan hab sireed oo ay fuliyeen koox yar oo uu majaraha u hayo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Mar hore waxaa jiray dood Qabaa’illada qaar ka timid taas oo ku saleysney la tashi la’aanta Ra’iisal wasaaruhu sameeyay. Taas oon kaliya quseynin shakhsiyaad xilalka laga qaaday laakiin quseysay qabiilo wasaarado loo kala beddelay.

Suuro gal ma aha in la kala ogaado in isku shaandheynta Ra’iisal wasaaraha ay ka dhalatay hawl qabad la’aan wasiirada qaar ama ay tahay godob gooni ah ee uu Ra’iisal wasaaruhu u qabay wasiiradii xilaka laga qaaday, taas oo ku saabsan doodaha hadda taagan. Laakiin waxaa  muddooyinkii ugu danbeeyay suuqa ku jirtay in isku shaandheeyn la sameeyn doono haddii aysan baajin laheyn xasaradihii is xig xigay oo la aaminsanyahay inay dib u dhigeen isku shaandheyntaasi.

Hadda oo ay taasi dhacday waa in wasiirada cusub ogaadaan in uusan jirin waqti badan oo la lumiyo, sidoo kalena ogaadan in looga fadhiyo ka guul gaarida hadafka Nabad iyo Nolol. Hadafkaas oo ay tiirar u yihiin amni, horumarin dhaqaale iyo dawlad wanaag.

Saddexda wasiir ee la magacaabay, labo ka mid ah waxay hoggaamin doonaan wasaarad markii ugu horreysay ay xilkeeda qabtaan, midka soo harayna waxa usii wadan doonaa ka shaqeeynta wasaarad isaga oo horay u ahaa wasiirka warfaafinta dawladdii hore  ee madaxweyne Xasan Shiikh sidaas daradeed maahan shaqi ay ku cusub tahay shaqadda wasiirnimo.

Wasiirada la magacaabay ayaa yimid xili aad muhiim u ah wasaaradaha loo magacaabay.  wasaaradahaan waxaa loo xilsaaray dusha kala socoshada iyo kasbashada taageero caalami ah, taas oo muhiim u ah  qaybo ka ka mid  ah siyaasadaha iyo sharciyada aadka ay dawladu ugu han weeyntahay hirgalintooda iyo ka miro dhalintoodaba .

U ololeeynta danaha Soomaaliya waa muhiim marka la eego dib u dhaca ku yimid kaalmadi Soomaaliya la siin jiray, horumarka gaabiska ah ee dalka iyo argagaxisada caalamiga ah, iyada oo la joogo waqti ay kor usoo kacday wadaniyadda uu horboodayo Trump iyo Maraykanka.

Wasiir Cawad waa danjire waayo arag ah oo Washington ka soo shaqeeyay, isla markaana ahaa sargaal Qaramadda Midoobay in muddo ahba, sidaa darteed waa lagu aamini karaa in uu horay usii wado danaha Soomaaliya oo geeyo fagaarayaal caalami ah. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cawad waxa uu ku jiraa diplomaasiyiinta faro ku tiriska ah ee xiriir la leh maamulka MadaxweyneTrump, iyo waliba wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka. Waana waqti aad u habboon xilliga la keenay. Waase in la siiyo  dhammaan taageeradda uu u baahanyahay si  u guuleeysto waqtigaan aadka u adag isla markaasna meel sare u geeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Isku duubnidii gudaha, dhameystirka nuuca federaal ee Soomaaliya iyo u diyaargaroowga doorashada soo socota waa muhiim, wasiirka Arrimaha Gudaha, Sabriye, waa in la siiya taageero kasta oon ku koobneyn fahansiinta siyaasadda gudaha kaliya, ee xitaa laga caawiyaa sidii uu ugu shaqeeyn lahaa si wax ku ool ah. Hawlaha guud ee Soomaaliya waa ay ka dhib badanyihiin kuwa gaarka ah inta la qiyaasayo in ka badan. Sidoo kalena waa ay ka culus tahay marka si gaar loo shaqeeynayo.

U gogol xaarida sida Soomaaliya ku noqon laheyd meel loo soo aado ganacsi iyo waliba bilaabida wadahadal guud iyo mid gaar oo looga dan leeyahay sidii loo saari lahaa dakhliga gudaha, waa mudnaanta wasiir Maareeye. Waa in xoogaa la saaraa fududeeynta sida looga ganacsado guud ahaan Soomaaliya, isaga oo sharciyo u sameeynaya. Sidoo kale waa in uu la xiriira ganacsatada aadka u abaabulan haddana ka shaki qaba doorka dawladda, oo raba in ay iyaga uu ismaamulaan oo isla socdaan.

Wasiir Xayir waxa uu ka mid ahaa wasiirada ugu waxqabadka yaraa  maamulkii madaxweyne Xasan Shiikh, hase yeeshee waxa uu kaliya taas wax ka badalan ku sameyn karaa marka uu in badan wax dhageeysto siyaasadana yareeyo, dad ku habboona u magacaabo jagooyinka kala duwan ee wasaaradiisa hoos taga.

Wasiirada cusub waxa ay u baahnaan doonaan waqti ay ku fahmaan shaqooyinkooda, laakiin waxaa caawin doona agaasimayaasha lagu xulay hab mudnaan iyo shaqo aqoonis ah oo mar dhaw la dhameystiri doono, haddii aysan dawladu wax ka bedalin qaabkaas.

Caqabad ay horay u wajaheen wasiiradii xilka ka tagay, kuwaan cusubna dhib ku noqon doonta ayaa ah isku dhex yaac dhinaca doorka shaqadooda  ah dawladda dhexdeeda iyo kala xulasho la’aan ahmiyadaha kala duwan ee horyaala. Dhammaan wasiirada waa in ay la fariistaan Ra’iisal wasaraha oo ogaadaan halka ay shaqada ka qabanayaan inta aysan shaqadaba aqbalin.

Tanni waxa ay ka fiican tahay la muranka wasiir kale ama xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, marka ay dareemaan in loo gacan dhaafay shaqadooda. Sidan waxa ay uga badbaadi karaan in si sharaf leh ay shaqada uga tagaan si aysan ugu dhicin wixii ku dhacay kuwii ay bedaleen, marka xaaladu adkaato amase ay howshooda u gutaan si cad oo la isla ogyahay.