Wasiirkii Gargaarka Soomaaliya oo is casishay (Video)

991

Wasiirka Wasaaradda gargaarka ee Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkii Wasiirnimo  ee  ay ka haysay xukuumadda Soomaaliya.

Maryan Qaasim ayaa ka mid aheyd Wasiiradda uu soo Magaacay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre markii xukuumadda lasoo dhisay.

Wasiiradda ayaa Twitterkeeda ku sheegtay in ay xilka iska casishay

Horay ayaa waxaa isku Casilay Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid  Cabdullahi Maxamed. .

Drs. Maryan Qaasim ayaa wareysi ay siisay Warbaahinta Goobjoog ku sheegtay inay isku casishay duruufo shaqo, iyo is bar bar yaac, isla markaana ku adkaatay inay sii wado shaqada Wasaaradda.

“Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo inaan iska casilay Xilkii Wasiirnimada aan u haayay Xukuumadda, waxaa uga tagay xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga waa aqaan hey’ad sida looga shaqeeyo iyo wasaarad dhisan waa ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin waxna kala baxsaneyn, wareer badan laga qaadayaa,”ayay tiri Drs Maryan Qaasim oo ka mid ah Wasiirada aad ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, kana mid ah Xisbigiisa TAYO.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirad Maryan Qaasim iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay dhowr jeer isku dhaceen, gaar ahaan arrimaha shaqada Wasaaradeeda, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha magacaabo Guddiyo kala duwan oo shaqadeeda ay laheyd, isla markaana aan laga tashan.

Sidoo kale arrimaha kale ee is casilaadeyda la xiriira ayaa ka mid ah howlihii gurmadka degdega ahaa ee musiibadii Qaraxii Zoobe in Wasaaradeeda door laga siin, Guddiyo ay horay u magacawday la soo hadal qaadin, waxaana howlaha la xiriira musiibooyinka iyo wax ka qabashooda ay aheyd mid Xafiiska Ra’iisul wasaaraha la wareegay.

Waa Wasiirkii labaad oo iska casisha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo bil ka hor uu is casilay Wasiirkii gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi oo isu casilay cadaadis uga yimid Madaxweynaha

Wareysi ay idaacadda Goobjoog siisay Maryan Qaasim:-