Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday

425
Allaha u naxariistee sawirka waa wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo shir Muqdisho ka dhacay ka hadlaya toddobaad ka hor. Sawirka: Facebook Wasaaradda

Muqdisho (UM) – Allaha u naxariistee waxaa maanta Isbitaalka ku yaalla magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Sida uu xaqiijiyay wasiirka Waxbarshada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Dubia wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa magaalada Dubia maalmahan u joogay ka qeybgalka arooska gabadhiisa. Wasiir Goodax ayaa sheegay in wasiir Cabdiraxmaan Xoosh xanuun ku soo booday xalay, aadna u xanuunsaday uuna isbitaalka ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Xukuumaddihii tan ka horreyay xilal kala duwan ka soo qabtay, isagoo sidoo kalena noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii Federaalka ee Kan hadda jira ka horreyay.

Waxa uu sidoo kale uu horrey uga mid noqday guddigii wax ka qoray Dastuurka qebyada ah ee Soomaaliya ee hadda jira.

Madaxda Qaranka uu ugu horyeeyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  qoyskii uu ka baxay iyo shacabka Soomaaliyeed uga ticsiyeeyay geerida ku timid wasiirka.

SHARE