Muqdisho – Waxaa maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la soo taagay wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Nuur oo loo yaqaan Janan kaasi oo dhawaan dowladda Federaalka ay ka qabtay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho oo uu doonayay inuu diyaarad kale ka raaco.
Cabdirashiid Janan ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo ka dhacay Gobolka Gedo.
Waxaa maanta sidoo kale Maxkamadda lala soo taagay Buulle Aadan Maxamed oo la sheegay inuu isaguna ahaa taliyihii ciidanka ka hawlgelayay degmada Doolow, oo isna eedo la mid ah loo haysto.
Waa maxkamadii la horkeeno tan iyo markii la qabtay Cabdirashiid Janan bishii Agoosto ee sanadkaan. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aan ay horey u soo saartay ku sheegtay in wax dambi ah uusan lahayn.
Hey’adda xuquuqda Aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay dhawaan ku tilmaantay xariga Cabdirashiid Janan tallaabo wanagsan oo loo qaaday dhinaca la xisaabsanta dadka gaystayta dambiyada dhanka ah Xaquuqda Aadanaha.
Maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay xariga wasiirka mid “Afduub” ah.
Hey’adaha Booliiska ayaa sheegay in leedaha loo haysto Cabdirashiid Janan ay soo dhamaystirayso waaxda dambi baarista Booliiska ee C-I-D-da, sida ay qortay Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.