Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Midowgga Yurub, gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.
Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.
“Waxaan bogaadinaya wada shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera Waxbarashada Soomaaliya.
Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.