Wasiirka waxbarashada oo kormeeray goobaha Imtixaanaadku ka socdaan

686

Muqdisho – Waxaa maalintii labaad si ramsi uga socda degmooyinka Gobolka Banaadir iyo magaalooyinka gobolada dalka imtixaanaadka dugisiyada sare ee dowladda Federaalka.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta kormeeray ku tagay goobaha imtixaanaadka dugsiyada sare ay ka socdaan ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Waxbarashada oo uu wehliyo Taliye ku-xigeynka Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa koormeer ku tagay qeybo ka mid ah xarumaha imtixaanka ardeydu uu uga socdo.

Wasiirka ayaa sheegay inuu la kula kulmay arday niyad wanaagsan oo jecel in ay tacliinta heer sare ay ka gaaraan, isla markaana ku kalsoon habka uu imtixaanka u socdo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare masuuliyad iska saartay sidii loo garab istaagi lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 ayaa dhammaan si ramsi ah uga bilowday magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka intaba shalay.

Imtixaanaadka oo in badan 30-kun oo arday ay u fariisteeen ayaa socon doono ilaa 1da bisha June oo ku beegan maalinta Sabtida ah.