Wasiirka waxbarashada DFS: Ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Soomaaliya ku taal

1162

Wasiiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in aysan jirin jaamacad ay aqoonsantahay wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyay tvga Somali cable ayaa caddeeyay in aysan jirin jaamacad ay u aqoonsadeen in ay buuxisay shurudihii laga rabay; ha se ahaate ay jiri karaan jaamacado laga yaabo in ay buuxiyaan shuruudahaas amaba soo dhaweeyaan.Wasiirka oo ka hadlaya ayaa sidaan u sharaxay waxa uu ula jeedo ma aqoonsanin.

“Annaga ma jirto jaamacad aan aqoonsanahay oo aan  dhihi karno qaabka ay u sameysantahay iyo tayada waan aqoonsanay xitaa jaamacadda Ummadda.

“Sababta waxaa waayee, waan qiyaasaa in ay jiraan jaamacado badan oo dalka ku yaalla oo laga yaabo in  ay buuxin karaan shuruudahaas ama soo dhaweyn karaan,laakiin ma aanan sameysan (Standardkaas) ama cabirkaas, marka aan kaas sameysano oo aan soo hubino in jaamacadaas ay kasoo baxday ayaan dhihi karnaa jaamacadaas waan aqoonsanahay.Maxaa yeelay waxay kasoo baxday shuruudihii aan dhiganay”.

Wasiirka oo la weydiiyay sababta ay u  siiyeen jaamacadaha ruqsadda ay ku shaqeeyaan , ayaa sheegay in ay jirto farqi u dhexeeya diiwaan galin iyo aqoonsi la siiyo jaamacad lagu qanco in  ay leedahay tayadii jaamacad loogu talo galay.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira jaamacado aad u  faro badan oo dadku ay saluug badan ka muujiyeen, waxaana hadalkaan uu rajo galin u noqon karaa dad badan oo ka rajo dhigay isbadal lagu sameeyo waxbarashada dalka.Dhinaca kale waxa uu hadalkaan laga yaabaa in uu naxdin ku noqdo arday badan oo dalka wax ku baratay.