Wasiirka wasaaradda sirdoonka Iiraan Maxamuud Calawi ayaa sheegay in ay xireen darsan jawaasiis ah . Qabashada basaasiinta ayaa qayb ka ah olole ka dhan basaasnimada iyo heysoshada dhalashada waddan kale, iyada oo qofku uu xil sare ka hayo dalka Iiraan.
Wasiirka ayaa waxa kale oo uu si aan toos aheyn u sheegay in Iiraan ay basaas ku dhex darsatay dawladda Israiil.Wakaaladda wararka tasniim ayaa sheegtay in wasiirka uu ula jeeday basaaska ay dawladd sirdoon xoogan leh ku dhex darsadeen Gonen Segev wasiirkii hore ee tamarta Israaiil , kaas oo maxkamad ku taal Quddus ay ku heshay eedo la xiriira basaasnimo.
Wareysi wasiirka lala yeeshay galinkii danbe ee talaadada ayuusan marnaba daaha ka qaadin tirada basaasiinta iyo goorta la xiray.
“Cadawgeennu waxay lacag ku bixinayan si ay u helaan xogta waddankeena, laakiin wasaaradeyda qaybta ka hortaga jaajuusiinta aad ayay u xooggantahay”
Wasiirka wasaaradda sirdoonka ayaa soo bandhigay qorshoyaal lagu doonayo in jagooyinka sar sare looga qaado dadka Iiraaniyiinta ah ee heysta dhalashada waddamada kale.