Wasiirka Maaliyadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka.
Kulankan oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo iyo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka C/llaahi Xaamud.
“Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula shiray wafdi ka socday bangiga aduunka, waxaan ka wada hadalnay sidii loo caawin lahaa dadka ay biyo la’aantu saameysay ee gobolada dalka, shirka waxaa nagala soo qayb galay wasiirka qorsheynta iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha”. Ayuu yiri Wasiir Bayle.
Kulankan ayaa ku beegmaya xilli dakhliga u soo xarooda dowladda Soomaaliya la rajeynayo inuu ka sii wanaagsan midkii soo xarooday sanadkii hore sida uu Madaxweynaha Soomaaliya uu isbuucan ka hor sheegay khubad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya.
Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriira dhinaca bini’aaddannimada, iyo dolwad dhisidda wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga qaataa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dardar gelinta howlaha maamulka iyo maaliyadda dalka oo ay hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.