Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta iska casilay xilkii wasiirnimo.
Wasiir Geelle oo la hadlay qaarka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ayaa sheegay in uu xilka isaga casilay sabab uu ku sheegay kala “aragti” duwanaan soo kala dhex gashay isaga madaxa dowladda sidaas darteedna uu go’aansaday inuu xilka iska casilo.
Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn waxa xaqiiqda is casiladaada wasiir Geelle ku lug leedahay ayaa waxa jiray maalihii igu dambeeyay warar sheegayay in Ra’iisul Wasaare Kheyre culus siyaasadeed saaran yahay taasi oo ah inuu is casilayo.
Wax yar kaddib is casilaada Wasiir Daahir Geelle ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu ku beddelay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xilkaasi dhawr jeer hore soo qabtay waqtigii dowladdii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Sidoo kale wasiirka Ganacsiga ayaa waxaa loo magaacabay Cabdullahi Cali Xasan oo beddelaya mr Maareeye.
[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]