Wasiirka Maaliyadda “Waxaa Laygu Haystaa Maxaad Mashaariic Noogu Fullin Weyday”

466

Wasiirka Maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa been abuur ku tilmaamay eedaha musuq maasuqa ee ay u jeediyeen gudiga maaliyadda golaha shacabka.

Dr Beyle oo ka hor hadlayay xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in dano gaar ah laga lahaa warbixinta gudiga maaliyadda isla markaana lagu carqaladaynayay hanaanka maamul maliyadeed ee dalka.

“Dad badan ayaa dhibaato igu haaya oo ileh aaway mashruuceygii, War mashruuc miyaa ushaqeeysaa mise Dalka, Adeer waa dhamaatay wax waliba oo shalay jiray, Wixii halkaan soo gala sideeda loo bixinayaa”ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiir oo si kulul u difaacay eedeynta loo soo jeediyaya ayaa warbixinta ku tilmaamay mid aysan waxba ka jirin dhabar jabna ku ah dadka Soomaaliyeed.

“Lacagtii shaqaalaha ayaa hoos u dhacday, shaqaalaha waxaa ka yimid 37 kun, Imaaraadkana wax lacag ah kama imaan, Sucuudiga waxaa ka yimid 50 milyan, kumana soo dhicin bangiga Soomaaliya waxay ku dhacday akoon ku yaalla Istanbuul halkaas ayaana laga maamulaa laguna beekhaamiyaa waxaana faah faahin doonta Guddoomiye ku xigeenka bangiga” ayuu yir wasiir Beyle.

Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe  Maryan Cabdulahi Yuusuf  oo hadal ka jeedisay kulanka golaha shacabka ee maanta ayaa sheegtay in kharashaadkii soo galay gacantooda ay si hagaagsan u maamuleen caddaymo dhamaystiranna ay u hayaan.

“Lacagta dowladda soo gashay, $50 Milyan Wasiirka Maaliyada ayaa nagu amray in aan $10 milyan ku wareejino dowladda bishii Oktoobar, Wasiirka ayaa haddana na amray bishii Nofeembar inaan bixino $6 milyan, waana dhiibnay, $4 milyan ayuu haddana naga qaaday, $10 milyan ayaan haddana u dhiibnay Wasiirka Maaliyadda, waana $30 milyan. Wasiirka Maaliyada ayaa nagu war galiyay in aanan lataaban karin lacagta $20-ka milyan ee hartay, laakiin intuu soo laabtay ayuu naga qaaday $5 milyan, waxaa uuna yiri ma habooneyn ee waa loo baahday. Hadda waxaan haynaa $15 milyan iyo lacag kale oo mashaariic loogu talagalay”.ayay tiri Guddoomiye Kuxigeenka Bangiga Dhexe Maryan C/llaahi Yuusuf.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in hanaan qaldan ay ku timid Golaha Warbixinta Guddiga Maaliyadda isagoona raali galin siiyey Wasaaradda Maaliyadda.

SHARE