Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim la yeeshay Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka

95

Washington, October 15, 2022 – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shir muhiim ah la qaatay masuuliyiinta sare ee Waaxda Maaliyadda dalka Mareykanka, oo ka mid yahay Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka dhinaca Afrika iyo Bariga Dhexe Eric Meyer iyo Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka Arrimaha Caalamka iyo ka hortagga qataraha Maaliyadda Anna Morris.

Shirkaan ayaa looga hadlay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Shirkaan uu wasiirka Maaliyadda la qaatay waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa looga ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta arrimaha Deyn cafinta oo ay Dowladda Mareykanka ka mid dowladdaha deymaha ku leh Soomaaliya.

SHARE