Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

321

Muqdisho, October 08, 2021 – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir kula la yeeshay aalaadda Zoom-ka ee khadka Internet-ka Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanem.

Shirkaan oo muhiim ahaa ayaa diirada lagu saaray xaalada dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka maalgeliyo ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka warbixiyay xaalada dhaqaale ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadda meel fiican uu marayo dhaqaalaha dalka, uuna rajayno in sanadka soo socda uu ka sii wanaagsanaado.

“Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo Team-ka la shaqeeya.

Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanem iyo madaxda kale Bangiga Adduunka ayaa bogaadiyay hannaanka Maaliyadda iyo sida ay u socdaan mashaariicda Bangiga ee Soomaaliya iyadoo xilli Doorasho lagu jiro.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka ee Geeska Afrika iyo sidoo kale mashruucyada soo socda.

Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeybgalay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo Madax sarsare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Hey’addaha Maaliyadda Adduunka ee Soomaaliya taageera.

SHARE