Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay magaalada Nairobi ee kulan kula yeeshay ganacsada Soomaalida ee degan dalka Kenya.
Waxan xalay kula kulmay Nairobi ganacsada Soomaalida ee degan dalka Kenya oo aan ka wadahadalnay
kor u qaadidda dhaqaalaha Soomaaliya & xoojinta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo sidii ay maalgashi ugu samaysan lahayeen dalkooda #Somalia pic.twitter.com/HbJA3uGApF— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) September 19, 2018
Kulanka Wasiirka Maaliyadda uu la yeeshay ganacsada Soomaalida ayaa looga hadlay kor u qaadidda dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo sidii ganacsada Soomaaliyeed dalka Kenya u maalgashi ugu samaysan lahayeen dalkooda. Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay xoojinta ganacsiga xudduuda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka ayaa u sheegay ganacsatada Soomaalida in bixinta canshuuraha ay muhiim u ah horumarinta dalka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalaya shir ku saabsan cafinta deymaha Soomaaliya lagu leedahay iyo daabacadda lacagta Shillin Soomaaliga kaasi oo ay sidoo kale ka qeybgalaan madax ka socoto hey’ada lacagta adduunka ee IMF-ta iyo Bangiga adduunka.