Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka cusub ee Mareykanka

578

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Danjire Donald Yamamoto ayaa ka wadahadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii ay uga wadashayn lahayeen wasaaradda Maaliyadda dib u habaynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa uga mahadcelinayaa Danjire Donald Yamamoto kaalinta iyo taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay saaxiib muhiim ah taageerada iyo gacansiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Donald Yamamoto ayaa dhawaan dalka soo gaaray isagoo maalmahaan kulmo kala duwan la yeelanayay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.