Washington – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan kula yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in
uu kulan la yeeshay Agaasimaha guud ee Hey’adda Lacagta Aduunka Kristalina Georgieva kulan muhiim ah oo looga wadda hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya.
“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”. Ayuu yiri wasiir Beyleh.
Wasiir Beyleh ayaa sheegay in Dhammaan caalamka iyo Hey’adda IMF uu u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay talaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda dalka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Washington kula kulmay madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass isagoo la saxiixday heshiiska deynta looga cafinayo Soomaaliya.