Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Machadka Chatham House

727

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay hadal ka jeediyay Machadka arrimaha caalamiga ah fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Britain.
Wasiir Beyle ayaa khudbadiisa uga hadlay dib soo noolaynta dhaqaalaya Soomaaliya iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya sido kale ka hadlay guulaha iyo horumarka laga gaaray dib u kabashada dhaqaalaha iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in caqabado badani ay jirinaa laakiin, ay dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya muhiim u tahay in xasilinooni siyaasadeed.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed iyo dowdduba aysan marnaba dib ugu laaban doonin halkii ay ka yimadeen, ayna diyaar yihiin in ay horrey u socdaan, rajo wanaagsanina ay jirto.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale maanta ka jeedin doono khudbad tan la mid ah Jaamacadda Oxford ee magaalada London.