Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeedinaya Jaamacadda Harvard

885
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa berri oo jimca ah la filayaa inuu khudbad ka jeediyo,xarunta Calaamiga ah ee Horumarinta ee Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka.

Wasiir Beyleh ayaa casumaad gaar ah ka helay Jaamacadda Harvard, waxa uuna khudbadiisa uga hadli doonaa, Horumarka Soomaaliya iyo isbeddelka kobaca dhaqaallaha iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya laga sameeyay.

“Berri oo jimco ah waxaan khudbad ku saabsan Horumarka Soomaaliya iyo isbeddelka kobaca dhaqaallaha ka jeedinayaa xarunta Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka” ayuu yiri wasiir Beyleh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga.