Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeybgalay kulanka ay shir gudoominaysay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Aduunka ee IMF Kristalina Georgieva oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Wasiiradda Maaliyadda Caalamka iyo Maamulayaasha Bangiyada dowliga ah.
Shirka oo ku qamsoomay aaladda muqaalka ee Internet-ka ( Videoconferencing) ayaa looga hadlay Ka hortaga safmareenka cudurka Covid-19 ee Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya iyo saamaynta uu ku yeeshay Dhaqaalaha Gobolka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabad, sida dunida kale, iyadoo tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu sheegay in cudurku ka saameeyay dalka iyo dadk dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarka dhaqaale ee dalka, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF ay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurka dilaaga ah. Waxa uu sheegay in tani saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay Waxyaabaha ugu muhiimsan ee saamaynta uu ku yeeshay cudurka Corona Fayras sida,
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee wasiirka Maaliyadda shirka ka sheegay ee saamaynta dhaqaale uu ku yeeshay cudurka Corona ayaa waxaa ka mid ah:
1. Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.
2. Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.
3. Shaqo la’aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.
4. Lacagtii xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo la’aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dhammaan dalalka qaybta ka ah Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF sida wanaagsan ay uga jawaabeen baaqii deyn cafinta Soomaaliya, iyada oo dhammaan Hey’addaha Maaliyadda dunida oo ay IMF ku jirto iyaga oo lacagtooda adeegsanaya Soomaaliya siiyeen fursad ay horay ugu socon karto kaddib geedi socod dheer oo guul ku dhammaaday kaas oo ay dusha ka hageysay nidaamka la socodka shaqaalaha ee Hey’adda IMF (Staff Monitoring Program).
Halkaan ka akhriso hadalka Wasiirku ka jeediyay shirka.