Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii saddexaad ee Maaliyadda Carabta

762

Abu Dubia – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalauya Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa ka qayb galay shirkii saddexaad ee Maaliyadda Carabta kaasi oo lagu qabtay magaalada Dubai, ee dalka Imaaraadka.

Kulankan oo ay iska kaashadeen Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) iyo Sanduuqa Carabta ee Maaliyadda ayaa isu keenay wasiirro iyo siyaasiyiin sare oo ka socda dunida Carabta si ay ugala xaajoodaan dib-u-habaynta Maaliyadeedka dowladdaha. Kulankan waxaa sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda lacagta aduunka ee IMF Christine Lagarde iyo Abdulrahman Al Hamidy Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Maaliyadda Carabta.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ayaa ahaa horumar dhaqaale iyo saameyn ku yeeshay wadamada Carabta, waxtarka kharashka, kharashka iyo horumarinta alaadaha digitalka ee dhaqaalaha dadweynaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle wuxuu caddeeyay horumarka Soomaaliya ee Maareynta Maaliyadda Guud iyo in Barnaamijka La-socodsiinta Shaqaalaha IMF ay keentay dib-u-habeyn si wanaagsan u socota. Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo dib-u-habeyn maaliyadeed iyo ficil ahaaneed oo ay ka mid yihiin soo saaridda dakhli dheeraad ah oo gudaha ah, xoojinta hay’adaha dawladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.