Wasiirka Maaliyadda oo shir uga qayb galay Abidjan

893

MUQDISHO—(UM)–Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qayb galay shirka magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ku saabdan Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Abdirahman Beyle,  ayaa shirka Madaxda Bangiyada hormarinta Bariga Afrika, kaasi oo markii ugu horaysay maanta ka dhacay magaalada Abidjan, ee Caasimadda dalka  Ivory Coast.

Shirka ayaa waxaa soo agaasimay madaxwaynaha Bangiyada Afrika Akinwumi Adesina, waxaana ujeedada shirka ay tahay sidii la  isugu soo dhowayn  Bangiyada iyo xubnihiisa.

Wasiirka Maaliyadda oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu ka waramay hormarka ilaa iyo Hadda Soomaaliya ay Ku talaabsatay marka laga hadlayo dhanka Maaliyadda iyo caqabadaha jira.

Dr. Beyle, ayaa Bangiga Hormarinta Afrika uga mahad ciliyay mashaaricda ay ka wadaan Soomaaliya hase ahaate waxaa uu Bangiyada ka dalbaday inay qabtaan wax badan.

Wasiirka ayaa waxaa uu Ku dooday guulaha dhanka Hormarinta iyo dib u habaynta dhaqaaha ee Soomaaliya ay gaartay ka dib taageero Soomaaliya ay ka heshay hay’adda Lacagta Addunka ee loo soo gaabiyo magaceeda (IMF).

Waxaa uu tilmaamay in Bangiyada Afrika looga baahan yahay inay qaataan halista jirta islamarkaana ay dalka ka samaystaan maal-gashi joogta ah.

Bangiga Hormarinta Afrika ayaa Hadda waxaa wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya uu ka taageerayaa dhaqaalle loo arruurinayo dhismaha waddada isku xirta magaallooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Khudbaddii xiritaanka ahayd ee uu shirka ka jeediyay madaxwaynaha Bangiyada Afrika Dr. Adesina, ayaa waxaa uu Ku  nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya.