Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in hoos u dhac dhaqaale uu keenay cudurka Covid-19

507

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay Cudurka Covid-19 Soomaaliya ay ku jirto laga soo bilaabo bishii Maarso 2020-ka.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaalo kala duwan oo lagu xakameynayo saameynta taban ee cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo guud ahaan Caalamka gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay sameysay canshuur dhaaf iyo dhimis lagu sameeyay qaar kamid ah cunnooyinka isticmaalkoodu bulshada ku badan tahay si aysan u dareemin sarekac.

“Waxa aan damacnay in Dadka Soomaaliyeed aan ku qaaliyoobin quutul-duruuriga sida bariiska, saliidda iyo timirta, qaar kamid ah waxyaabaha aan laga maarmin canshuurta ayaan ka dhaafnay halka kuwo kale aan ka dhinnay canshuurta si aan u imaan sicir barar (Qiimo koror)” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in labo arrin laga bartay fayruska Covid-19, tan koowaad Dakhliga gudaha oo yaraaday, badeecadihii soo degayay oo hoos u dhacay, dadka ka iibsanayao oo ku xayirmay guryahadooda.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka caalamka ee laga diiwaangeliyay cudurka Covid-19, Bartamihii bishii May waxa ay Xukuumaddu xirtay duulliimaadyada Caalamka, halka ay fasaxday Goobaha waxbarashada, sabab la xiriirta kahor tagga fayruska.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda waxa uu ka mahadceliyay dadaalka beesha caalamku ay u galeen ka gortagga cudurka Covid 19, isagoo qiray in haddi laga gudbo marxaladda cudurka ay dib u soo laaban doonto kororka dhaqaalaha dalka.