Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa maanta kormeer ku tagey hannaanka sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee dekedda Muqdisho.
Wasiirka ayaa kormeeray shaqooyinka kala duwan ee dekedda ka socda, isagoo sidoo kale ku ammaanay hannaanka ay hadda wax ku socdaan.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in la dardargelin doono hawlaha shaqo ee dekadda Muqdisho, maadaama dhowaan la daah furay in dekeddu shaqeyn doonto xilliga habeenka.
“Waxaan kormeeray dekadda Muqdisho oo ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, waxaana dul istaagay shaqooyinka shacabka loo hayey, waana lasii dardar gelin doonaa shaqooyinka” ayuu yiri Wasiir Beyle oo booqasho kaddib la hadlay warbaahinta.
Kormeerka Wasiir Beyel ku tegey dekedda Muqdisho ayaa kusoo aadeysa maalmo kaddib markii dib loo hawlgeliyey shaqada dekedda ee xilliga habeenka.
Kormeer wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawr maalmood ka hor loo xiray mas’uuliyiintii waaxda cashuuraha ee dekedda Muqdisho eedeymo musuqmaasuq.