Wasiirka Maaliyadda oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Miisaaniyadda 2018-ka

971
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Muqdisho , Soomaaliya ( UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duucale Bayleh ayaa maanta ka hor akhrinaya Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Miisaniyadda 2018-ka.

Wasiir Bayleh ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay dhamaystirtay diyaarinta Miisaaniyadda 2018-ka inuu ka horjeedin doono maanta Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Miisaaniyadda 2018-ka ayaa la sheegay in la kordhiyay,iyadoo dhanka adeegyada bushada iyo amniga wax lagu daray, wallow Miisaaniyada ugu badan ay geli doonto dhanka amniga.