Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya

248

Muqdisho, Febraayo 3, 2022 – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Fulinta ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Shir dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxda ka socotay Bangiga Adduunka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ka mid yihiin, horumarada laga sameeyay dib – u- habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka ka waddo Soomaaliya.

Masuuliyiinta ka socday Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa muhiim u ah horumarinta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

SHARE