Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub (Sawiro)

776

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay danjiraha Midowga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya iyo wafdi ka yimid xarunta Guddiga Midowga Yurub ee magaalada Brussels xarunta midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyadda iyo danjiraha iyo wafdiga la socday ayaa ka wadahadalay sida ay Midowga Yurub ay uga caawin karo Soomaaliya dhanka halwaha Miisaaniyada iyo kordhinta dakhliga dalka.

Wasiir  Beyle, ayaa ayaa sheegay in horumarka dhanka maaliyadama ah ee ay dowladdu gaartay iyo caqabadaha jira.

Waxa uu sheegay wasiirku in horumarinta iyo ka shaqaynta daahfuurnaanta Maaliyadda iyo dhaqaale kicinta aysan ahayn mid loo samaynayo in lacag iyo Miisaaniyad kabid laga helo aduunka balse in Maaliyadda dalka lagu hagaajinayo, qeybna ay ka tahay hannaanka dowlad wanaagsan iyo Maamulka.

Wasiirka ayaa kulanka ka dib qoraal yer uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in kulanka labada dhinac dhexmaray uu ahaa mid miro dhal ah.