Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa la kulmay madax ka tirsan Baniga Adduunka, kulankaasi oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah dhexmaro labada dhinac.
Wasiirka Maaliyadda ayaa madaxda Bangiga Adduunka uga waramay howlaha u qabsoomay, caqabadaha jira oo ay ka mid yihiin maamulka Maaliyadda Bulshada Soomaaliya iyo howlaha kooxda dabagalka Hay’adda lacagta Adduunka u qaabilsan Soomaaliya ee IMF.
Wasiirka Maaliyadda madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah Maktar Diop, oo ah madaxwayne ku xigeenka Bangiga ee Afrika iyo Bella Bird oo ah gabar Bangiga Adduunka u qaabilsan wadamada Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.
Madaxda Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu u jiro hormar Soomaaliya ay samaysay ilaa iyo hadda, hase ahaatee waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in dowladda ay la timaaddo talaabooyin joogta ah.