Kampala – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xalay kula kulmay magaalada Kampala qeybaha kale duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee nool dalka Uganda.
Wasiirka Beyle ayaa warbixino guud ka siiyay Jaaliyadda horumarka Maaliyadeed ee dalka iyo halka uu marayo Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya.
“Mar waliba, muhiimadeenu waa is ku duubni iyo inaan ka wada shaqeyo horumarka dalkeena”. Ayuu yiri Wasiir Beyle oo la hadlayay Jaaliyadda.
Xubnaha Jaaliyadda ayaa sidoo kale wasiirka su’aallo ka weydiiyay hannaanka Maaliyadda dalka iyo dib u habaybta lagu sameeyay.
Dhankale, Wasiirka Beyle ayaa kulan la qaatay Aamina Xersi Mooge oo ah Gabar Soomaaliyeed, kana mid ah ganacsatada ee ugu waa wayn ee dalka Uganda iyo qeybo ka mid ah dalalka bariga Afrika.