Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah we Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulamo la qaatay guddiga wasaaradda Maaliyadda u qaabilsan Barnaamijka SMP-ga.
Kulanka dhexmaray wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya uu la qaatay guddigaasi ayaa qayb ka ah Kulan isbuuciiba hal mar uu guddiga la qaato gaar ahaan maalinta Isniinta.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha miisaaniyadda qaran oo ay horay u ansaxiyeen labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha bixinta mushaaraadka iyo kordhinta Dakhiliga.
“Saaka waxaan la kulmey gudiga Maaliyadda u qaabilsan SMP oo aan kulano isbuuciiba hal mar ah si aan ugu munaaqashona howlaha ku saabsan Misaaniyada 2018 iyo bixinta Mushaarka kordhinta Dakhliga IWM” ayuu sheegay wasiirka maaliyadda.