Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda ee Baarlamaanka

647

Muqdisho (UM) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddiga cusub ee Maaliyadda, Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka

Guddiga iyo wasaaradda ayaa ka wada hadlay dardar gelinta Miisaaniyadda dowladda 2019 iyo sidii looga shaqayn lahaa waqtiga kooban ee ka dhiman.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay Guddiga ka wadahadleen qaabkii ay uga wadashaqeyn lahaayeen howlaha culus ee horyaala.

Waasiir Beyle ayaa sheegay in wasaaraddiisa iyo Guddiga Maaliyaddaba ay ka go’an tahay in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Siraaji ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqtiga haray lagu qabto arrimaha la xiriira Miisaaniyadda 2019ka .

Sidoo kale waxa uu wasaaradda Maaliyadda ka codsaday in guddigooda kala shaqeeyaan sida waqtiga haray Baarlamaanka loogu hordhigi lahaa Miisaaniyadeed sanadeedka dowladda re 2019 si dhib u dhac uusan u imaan.

Guddoonka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa shalay la doortay kaddib markii Guddoonkii hore laga saaray xubanaha Guddiga Maaliyadda isbeddelna lagu sameeyay khilaaf soo kala dhexgalay awgeed sida wareegto shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka lagu faafiyay.