Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

827

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega kana dhoofiya Dekadda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii wasiirka maaliyadda uu booqday Dekadda magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Sidoo kale waxaan kormeeray Dekadda isaga oo u kuurgalayay  qaabka ay u socdaan Howlaha  dekadda.

“Maanta waxaan la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed oo isugu jira kuwa wax soo dajiya, kuwa wax dhoofiya iyo kuwa ku Ganacsada Suuqyada Muqdisho”, ayuu Ku sheegay Wasiir Beyle qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka  ka dib kulanka uu la qaatay Ganacsatada.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay   waxa ka mid ahaa  sidii hab wadajir ah loo bixin lahaa  Canshuurta Dalka.