Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda federal-ka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Bulshada ugu baqay inay bixiyaan canshuurta taasi oo faa’ido u ah dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa halkan ka sheegay kulan dhagaysi Baarlamaani ah oo looga hadlayay miisaaniyadda Qaranka ee 2018-ka taasi oo dhowaan ansaxiyeen Golaha wasiirada ee xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya.
Kulanka dhagaysiga Baarlamaanig ah ayaa waxaa soo abaalulay guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Maaliyadda kaasi oo lagu qabtay Jazeera Palace Hotel ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa ka qayb galayaasha iyo guddiga Maaliyadda Baarlamaanka la wadaagay caqabadaha ay wajahayso miisaaniyadda Qaran ee 2018-ka.
Doodda iyo dhagysigan lagu qabtay Hotel Jazeera ayaa ah tii ugu horay say ee nooceeda ah Soomaaliya lagu qabto tan iyo burburkii dowlddii dhexe ee Soomaaliya.