Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo ku xigeenkiisa C/laahi Shiikh Cali Qaloocoow iyo Saraakiil ka tirsan Hogaanka Ilaalada Canshuuraha ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee Dalka.
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Dakadda iyo Saraakiisha Ilaalada Canshuuraha ayaa mid mid u hubiyay Agabyada kala duwan ee ka soo dagay Furdada Xamar iyo qaabka loo canshuuray.
Wasiir Beyle, ayaa ku dhiiri galiyay shaqaalaha ku howlan qaadista Canshuuraha iyo hubintooda inay Qaranka sidaacad ah ugu adeegaan.